Taliye-ku-xigeenka ciidanka booliska ee kooxda Villa Soomaaliya oo is-casilay.

Thursday November 19, 2026 - 08:17:29
MeMO Staff
Taliye-ku-xigeenka ciidanka Booliiska ee kooxda Villa Soomaaliya, Janaraal Cabdalla Cabdalla ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkaasi, isagoo eedayn culus u jeediyey maamulka uu hor-joogaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Warqad is-casilaad ah oo saaka uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada ee Facebook, ayuu taliye-xigeenku ku faahfaahiyey sababaha uu uga tagay xilkaasi oo uu sheegay inay ka mid tahay cadaalad-darro baahsan oo ka dhex jirta kooxda riddada.

Sarkaalkan oo sidoo kale ahaa taliyaha booliska ee hawl-gallada gaarka ah, ayaa eedaymaha uu xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud u jeediyey waxaa ka mid ah ku-takrifal awoodeed iyo musuqmaasuq xarkaha goostay.

Waxa kale oo Janaraal Cabdalla Cabdalla uu shaaca ka qaaday in ciidamada kala duwan ee DF Soomaaliya loo isticmaalo dano siyaasadeed, burburinta hantida ummadda iyo barakicinta shacabka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed.

"Sababaha aan isku casilay waxa kale oo ka mid ah, amniga dalka oo khatar ku jira, maadaama galalka amniga qaranka loo maareeyey, si ka fog mas’uuliyaddii qaran ee loo baahnaa…” Ayuu yiri tali-xigeenka ciidanka booliska ee DF Soomaaliya.

Ugu dambayn, Janaraal Cabdalla Cabdalla, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in go’aanka is-casilaaddiisa uu gaaray kadib markii uu ka quustay xallinta tabashooyinkaasi, oo uu sheegay in wax-ka-qabashadooda uu muddo dheer ka sugayay kooxda Villa Soomaaliya.

Ku dhawaad laba usbuuc ka hor ayay ahayd markii sarkaalkani uu walaac ka muujiyey bixitaanka ciidanka Afrikaanta, isagoo sheegay in xukuumadda uu fadhigeedu yahay Muqdisho ay wahahayso khatar amni, maadaama aysan haysan ayuu yiri, ciidan awood leh sugidda amnigooda.

Related Items

Update cookies preferences